Madasha Xisbiyada Qaran Oo kahadlay hadalkii Xaliimo Yarey

Madasha Xisbiyada Qaran  ayaa soo saaray Warsaxaafadeed ay ku sheegeen inay kaga walaacsan yihiin hadalkii jeedintii Guddiga Doorashooyinka madaxa banaan ee Soomaaliya ay ku sheegtay 2 hab doorasho,iyaga oo sheegay in aysan aqbali doonin muddo kororsi ay sameeyaan Golayaasha dawladda.

War-saxaafadka madasha Xisbiyada lagu soo qaadin Go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ay Gobolka Banaadir ugu ansixiyeen in uu matalaad ku yeesho Aqalka Sare,hayeeshee waxaa Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka loogu baaqay inay dhamaantood is casilaan.

Qoraalka, madasha laguma soo qaadin arrinta Mataalada Muqdisho, oo ah mid ay ku kala qeybsan yihiin mucaaradka DF oo ay ku jiraan dawlad gobaleedyada, iyadoo ay muuqata gudaha khilaafka ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo kamid ah hoggaanka Madasha Xisbiyaa ayaa soo dhaweeyey 13 Senator ee loogu daray Muqdisho Aqalka Sare,hayeeshee uu muddo kororsi ku tilmaamay hadalkii Xaliimo yareey.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale  soo dhaweysay hadaljeedintii Gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka waxayna uga mahadceliyeen in ay keentay  labo nooc oo doorasho.