Madasha Xisbiyada qaran oo kahadlay Mowqifkoda ku Aadan dorashada 2021

War Saxaafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran kana kooban 14 qodob ayaa loogaga hadlay mowqifka madasha ee qabashada doorashada qaran.

Madasha waxa ay sheegtay in ay doonayaan in doorashadda ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, islamarkaana aysan aqbali doonin wax dib u dhac ah.

Madasha ayaa  dowlada federalka  ku eedeeysay in ay ka cagajiideyso habsami u socodka doorashada waxaana lagu cadeeyay talooyin ku aadan qabashada doorashada qaran ee la qorsheeyay in dhamaadka sanadkan ama horaanta sanadka soo socda ay ka.

Waxaa sidoo kale looga dalbaday dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda in ay Caddeeyaan qoondada dhaqaallaha ee loogu tala galay doorashadda soo socota.