Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo kulamo kala gaar gaar ah xalay la qaatay qaar kamid ah Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihi hore mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan casho ah la qaatay qaar kamid ah culumaa’uddiinka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Khaliif C/qaadir Macallin Nuur, waxaa qayb ka ahaa Sheekh Cali Wajiis, Sheekh C/qaadir Soomow iyo Culumaa’uddiin kale oo Soomaaliyeed.
Kulanka Guddoomiyaha MXQ ka hor waxay culumaa’uddiinkan Soomaaliyeed la soo kulmeen Madaxweynihi hore ee dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hoggaanka sare ee Madasha XQ kamid ah.
Kulamada kala gaar gaarka ah waxaa diiradda lagu saaray xaaladda dalka, marxaladda kala guurka ah ee Doorashooyinka iyo shirka Mudullood ee dhawaan ka dhici doona magaalada Muqdisho.