Madasha Xisbiyadda oo soo dhoweeyay go’aankii Shirkii Gorowe.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhoweysey Shirweynaha Wadatashiga Puntland ee ka qabsoomey caasimadda Garoowe mudaddii u dhaxeysay 15-17ka Maarso 2020ka, iyo nuxurkii warmurtiyeedkii shirweynahaas ka soo baxay.

War-Saxaafadeed kasoo baxey Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin Lix Xisbi ayaa waxaa lagu sheegay inay hambalyo iyo bogaadin u diraayaan bulshada reer Puntland iyo hoggaankeeda tillaabada ay u qaadeen dhinaca xoojinta wadatashiga bulshada.

2- Madashu waxay soo dhaweynaysaa warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirweynaha Wadatashiga Puntland gaar ahaan qodobka ku aaddan ilaalinta dastuurka dalka iyo xoojinta Midnimada Ummadda Soomaaliyeed.