Madasha Xisbiyadda oo war kasoo saartay hareereynta Guriga Shiikh Shariif

Warsaxaafadeed degdeg ah oo ay madasha xisbiyada qaran ka soo saartay isku-daygii weerar ay sheegtay  la doonayey In lagu beegsado xarunta madasha iyo hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ahna hogaamiyaha madasha xisbiyada qaran.

War saxaafadeedka Madasha ayaa lagu sheegay habeenadii isku xigay ee taariikhda aheyd 22 iyo 23 March ay jireen isku daygaas ciidamada ku hareereeyeen hoyga Sheekh Shariif, waxaana ay sheegeen inay xadgudub ku tahay xurmada Madaxweynuhii hore isla markaana ka soo horjeeda shuruucda dalka iyo hannaanka dowladnimada.

Sidoo kale Madasha ayaa Madaxtooyadda Soomaaliya ku eedeysay inay weerar la qorsheysanayay ay gadaal ka taagneyd, waxaana ay sheegeen in aysan jirin sabab habeen madow Ciidamo ka tirsan dowladda loo dul-geeyo Guriga Sheekh Shariif.