Madaweynah maamulka koofur galbeed shariif xasan oo La Kulmay Masuuliyiin Ka Socotay Hay’adda OCHA+sawiro

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Maanta Baydhabo kula kulmay Masuuliyiin ka socotay Hay’addaha ka howlgalla deegaanada Maamulkaas.

Masuuliyiintii uu la kulmay ayaa ka socday Hay’adda isku dubba ridka hawlaha gargaarka ban’aadanimo ee Soomaaliya, OCHA,waxaana ay ka wada hadleen xaalada Bani’aadanimo ee ka taagan deegaannada Maamulka Koofnur Galbeed.

Labada dhinac ayaa waxa ay siku afgarteen in la dedejiyo sidii Hay’adda OCHA, u caawin laheyd dadka xiligaan xaalada Bani’aadanimo ay ku heysato deegaannada uu Maamulo Maamulka Koonfur Galbeed.

Goordhow la socda Codadka Kulankii dhexmaray Shariif Xasan iyo Masuuliyiinta Hay’adda isku dubba ridka hawlaha gargaarka ban’aadanimo ee Soomaaliya, OCHA.