Madax Ka Socota Dowlada dhexe oo Gaaray Garowe

Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal waxaa saacadihii la soo dhaaafay ku qul qulayay wufuud kala duwan,kuwaas oo la filayo inay ka qeyb galaan munaasabada dabaal-dega sanad-guuradii 21aad ee kasoo wareegtay markii la Aas’aasay Puntland.

Shalay Magalada Gaoowe waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan halka Maanta uu tegay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Nuur Bukhaari.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in sidoo kale Madax ka socota dowlad Goboleedyada iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka ay gaaraan Magalada Garoowe si ay uga qeyb galaan munaasabadda.

Amaanka Magalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay,waxana xaafadaha  & wadooyinka qaar la dhigay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland.

Dhinaca kale waxaa Taliska Booliska Puntland uu soo saaray amar la xiriira dhinaca amniga ,sida in laga bilaabo 5:00 Galabnimo ilaa 10:00 Barqanimo Magalada Garoowe lagu arki Karin Gaadiid aan aheyn kuwa mas’uuliyiinta Maamulka.

Sanad ka hor munaasabadii loogu dabaal-degayay Aas-aaska Puntland waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,xilligaa soo uu Madaxweyne ahaa Cabduweli Maxamed Cali Gaas.