Madaxa Sirdoonka Sudan Oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho

Magalada Muqdisho waxaa maanta soo gaarey Wafdi ka socda Dowladda Sudan,waxana soo dhaweyey Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen ayaa soo dhaweeyey Wafdi uu hoggaaminayey  agaasimaha guud ee sirdoonka iyo nabadsugida Sudan (NISS) Gen. Salah Abdalla Mohamed  Saleh.

Wafdiga oo booqasho rasmi  ah ka yimid Muqdisho ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan inay la socdaay xubno ka socda sirdoonka dalka Qatar,waxana inta ay ku sugan yihiin waxa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda ugu sareysa Hay’adda NISA ee Soomaliya,iyaga oo ka wada hadli doono qodobo dhowr ah.

Imaanshaha Wadfigaan ayaa Maanta waxaa loo xiray inta badan Wadooyinka waaweyn ee Magalada Muqdisho,waxana lagu arkayey ciidamo ku labisan dareeska ciidamadii xasilinta ee dhawaan wadooyinka Muqdisho laga wareejiyey.