Madaxa Xukuumada Galmudug Oo Dhuusa-mareeb kulan Kula Qaatay Saraakiil Cadaan ah

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug kulan kula qaatay saraakiil ka socotay Wasaaradda Gashaandhiga Mareykanka .

Kulanka oo ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusa-mareeb ayaa waxaa looga hadlay sidii Ciidanka Danab ee uu tababaray Mareykanka ay saldhig uga furan lahaayeen magaalada Dhuusa-mareeb.

Kulanka kadib ayaa masuuliyiinta Galmudug iyo sarakiisha Mareykanka waxa ay soo indha indheeyeen goobta loogu tala galay in laga hirgeliyo saldhigga Ciidanka Danab, sidoo kale kormeerka waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Galmudug iyo saraakiisha saldhigga ciidanka Danab ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa Dowladda Soomaaliya ka taageera hawlgaladda sida gaarka loo fulliyo sida Duqeymaha, waxayna Saldhigyo ku leeyihiin qaybo ka mid ah Soomaaliya.