Madaxa Xukuumada Galmudug Oo lakulmay Saraakiil ka socotay Howlgalka Midowga Afrika

Madaxa Xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Madaxtooyada Galmudug kula kulmay Saraakiil ka socotay Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo  uu Hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Tigabu Yilma.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay diirada saareen Arrimaha ammaanka deegaanada Galmudug gaar ahaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Dowlad Goboleedka Galmudug.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Tigabu Yilma ayaa Maanta safar aan horay loo sii shaacin ku tegay Magalada Dhuusamareeb, isaga oo la kulmay Wasiirka  Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, iyaga isku raacay in Ciidamo ka tirsan AMISOM la geeyo Magalada Dhuusamareeb.