Madaxda DFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan, isagoona u rajeeyay iney nabad iyo caafimaad ku soomaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane  Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay  dhalashda bisha barakaysan ee Ramadan.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa isna ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed curashada bisha barakaysan ee Ramadan, isaga oo sheegay inay tahay bishii cibaadada iyo is cafinta loona baahan yahay in laga faa’iideysto.