Madaxda dowlad goboleedyada oo galabta damaashaad u tagey Goobweyn

Madaxda dowlad goboleedyada dalka ee shirka uga qeyb galeysa magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah Jubbaland ayaa galabta waxa ay nasasho u tageen degaanka dalxiiska ku wanaagsan ee Goobweyn oo 11-KM dhinaca waqooyi kaga toosan magaalada Kismaayo.

Madaxda oo maalintii Saddexaad uu shir gaar ah uga soconayo xarunta KMG ee Jubbaland ayaa u muuqday kuwa galabta ka nasanayay shirka ay ku leeyihiin magaalada Kismaayo.

Madaxweyneyaasha Jubbaland, Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo waqti ku qaatay Goobweyn ayaa waxaa la arkayay iyagoo isugu marxabeynaya isu imaatinkooda Kismaayo, islamarkaana sawirro wada galaya.

Jimcaha berri ah ayaa waxaa lagu wadaa in dhinacyadaasi ay shirkooda magaalada Kismaayo ka soo saaraan war murtiyeed, haddii aanu waxba iska bedelin sida uu qorshuhu yahay.

Amniga magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo meelaha qaar hakad la geliyay isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana suggida amniga iska kaashanaya ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM.