Madaxda Dowlad Goboleedyada Oo Shir Uga Furmayo Magalada Garoowe

Magalada Cadaado ee Xarunta Baarlamaanka Galmudug waxaa haatan ka socota doorashada Madaxweynaha Galmudug oo ay qabanayaan Xildhibaanada Garabka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya Axmed Maxamud Basto iyo Cabdixakin Cali Guure,iyada oo ay Goobta ku sugan yihiin tiro Xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada ku sugan Cadaado ayaa haatan codkooda dhiibanaya,waxaana xusid mudan in deegaano ka tirsan Galmudug ay ku sugan yihiin Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamulka Galmudug ayaa sababtay in Xildhibaanada Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb ay iyana doortaan Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug,isla markaana maantana Magalada Cadaado ay ka socoto doorashada Madaxweynaha Galmudug