Madaxda dowladda& Maamul Goboledyada oo Muqdisho ku shiraya

Shirkaan u dhaxeeyo Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya.

Ajendaha Shirka waxaa ka mid ah waxyaabihii ka hirgalay Shirkii kan ka horeeyey oo ay ka mid ahaayeen dhismaha Ciidamada isku dhafka ah, howlaha lagu qabyo tiraayo Dastuurka, Sameynta Golaha Deegaanka, Siyaasadda guud ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab, Doorashada qof iyo codkii ah ee la filaayo kolka la gaaro 2021-ka iyo qodobo kale.

Shirka oo maanta bilaabanaya ayaa isla berri lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo, waxaana qorshahu yahay in uusan qaadan waqti badan sidii shirarkii hore oo kale.

Warbaahinta ayaa xogag ay heshay waxa ay sheegayaan in waxyaabaha Shirka loo soo gaabinayo ay tahay Munaasabadda Sanad Guurada markii la doortay Madaxweyne Farmaajo oo ku beegan 8-da Febraayo oo ah maalinta Khamiista.

Madaxda Maamul Goboleedyada qaar ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in Madaxda Jubbaland iyo Koofur Galbeed ay maaanta soo gaaraan Magaalada Muqdisho si shirka uu furmo.

Shirkaan shirkii ka horeeyay waxay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada isla meel dhigeen Ajendayaal ay ka mid ahaayeen dhismaha Ciidamo isku dhaf ah, waxaana la su’aal geliyay qabsoomiyadda qodobkaan.