Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa degmada Guriceel kaga qeyb galay munaasabad lagu caleema sarayay maamulka cusub ee Degmada oo dhawaan la doortay.
Munaasabadda caleema saarka guddoomiyaha iyo ku xigeenkiis oo dhawaan ay doorteen Golaha deegaanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Marti Sharaf kala duwan Xildhibaano heer Fadaraalka iyo heer Dowlad-Goboleed, Wasiiro iyo Agaasimayaal ka tirsan Galmudug, Maamulka Gobolka Galgaduud, Qaar ka mid ah Maamulada Degmooyinka Galmudg, Saraakiil Ciidan, Odayaasha Dhaqanka oo ugu horeeyo Ugaas Xasan Ugaas Max,ed Ugaas Nuur, Abwaano, Aqoonyahano, Ururada Dhalinyarada iyo Habeenka iyo Marti Sharaf kale.
Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka cusub ee Degmada Guriceel, isaga oo ugu duceeyay in ALLAH la garab galo mas’uuliyadda culus ee loo Idmaday.
Wuxuu sidoo kale Madaxweynuhu bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, oo dardar gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Dowlaaha Hoose Galmudug.
