Guddoomiyaha Gudigga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan oo ay wehliyaan xubno guddiga ka mid ah ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş iyaga oo ka wada hadlay arrimo badan oo ku aadan hannaanka hirgelinta iyo taageerada doorashooyinka la filayo in ay dhawaan ka dhacaan dalka.
Safiirka dowladda Turkiga ayaa ballan qaaday in dowladiisu ay guddiga ka taageeri doonto sidii dalka looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah.




