Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Dowlada ku Ee deeyay in ay mashquul kutahay Cidii Madax noqon laheyd 2020-ka

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo Khudbad ka jeediyay Shirka ka socda Magaalada Baydhabo ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in aysan ka dhabeyn Balanqaadyadii Shirkii hore ay u yeesheen Golaha Amniga Qaranka.

Waxaa uu sheegay in Shirka Maanta ka furmay Baydhabo uusan aheyn mid dowladda Soomaaliya lagu duminaayo laakiin uu yahay Shir lagu saxaayo Khaladaadka jira.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay Cidii imaan laheyd 2020-ka taasina ay tahay wax laga xumaado, maadaama la doonaayo inta kasokeysa in si aad ah loo shaqeeyo.

 Waxaa uu sheegay in hadda la dayacay Shaqooyin badan oo laga doonayay in ay qabato dowladda Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in dadka Soomaaliyeed si dhab ah wax loogu qabto.