Madaxda maamul goboleedyadda oo kulan la yeeshay Beesha Caalamk

Madaxweynayaasha maamul goboleedyadda ee ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa xalay kulan la yeeshay xubno ka socday beesha Caalamka,kuwaasoo u sheegay in ay doonayaan in lasoo Afjaro Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda maamul goboleedyadda marka laga reebo Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ahna Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda  ayaa Golaha U soo bandhigay dhexdhexaadin ay garwadeen ka yihiin Beesha Caalamka iyo IGAD oo ku aadan soo Afjaridda Khilaafka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe.

Madaxda maamulada ayaa u gudbiyay beesha Caalamka Cabashadooda ku aadan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Madaxda maamulada ayaa aqbalay dhexdhexaadinta Beesha Caalamka, waxaana xusid mudan in kulankaasi aysan ka qeyb galin xubno ka socda dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda ayaa xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay tan iyo markii maamulada ay ku dhawaaqeen in ay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.