Madaxda Maamul Goboleedyadda oo xiriirka u jaray Dowladda dhexe ee Somaliya

Shirkii ka socday Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland, ayaa laga soo saaray Warmurtiyeed ay ku cad yihiin qodobadii ay ka hadleen Afartii cisho ee la soo dhaafay.

Qodobka ugu muhiimsan ayaa wuxuu noqday in Dowlad Goboledyada ay si toos ah u hakiyeen xiriirkii wada shaqeynta ahaa ee kala dhaxeeyay Dowladda Federalka Somaliya iyo Maamul Goboledyada.

Maamul Goboledyada ayaa waxa ay dowladda ku eedeeyeen inay faragelin toos ah ku hayso Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Waxa kale oo ay ku eedeeyeen in dowladda dhexe aysan sidii loogu talo galay uga soo bixin heshiisyadii ay wada gaareen Dowladda Federalka Somaliya iyo maamulada dalka ka jira.

Arrintaan ayaa waxa ay culeys ku tahay dowladda Federalka Somaliya ,maadaama Maamul Goboledyada ay hakiyeen xiriirkii wada shaqeynta.

Filo War Murtiyeedka oo dhameystiran.