Madaxda Safaarada Dalka Uganda Oo lakulmay Somaalida Dalkaasi ku nool

Madaxda Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa la kulantay ganacsatada Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh dalka Uganda iyo Aqoonyahan madaxda ka ah ururo dowli ah iyo dad bulshada wax tar ku leh, iyadoo kulankaas ujeedkiisu ahaa isbarasho iyo xogwaraysi dhex marta Madaxda cusub ee safaaradda iyo ganacsatada.

Kulankaas oo ka dhacay Hotel Sheraton ee ku yaal magaalada Kampala ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan safaaradda iyo sida ay muwaadiniinteeda ugu adeegto iyadoo laysla soo qaaday in safaaradda dayactirkeeda ka qayb qaataan Ganacsatada iyo aqoonyahanka.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Jibril Afyare ayaa ugu horeen ka warbixiyay ujeedka loo qabtay kulanka dhex maraya Madaxda Safaaradda iyo ganacsatada iyo aqoonyahanka, isagoo sharaxay sida safaaradda ugu adeegto bulshada Soomaaliyeed iyo adeegyada ay bixiso.

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud ( Ali Cagabaruur ) ayaa sheegay in safaaradda madaxdeeda cusub la imaan doonto hufnaan iyo howlkarnimo kor loogu qaadayo sumcadda safaaradda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda.

Dhamaan mas’uuliyiintii kasoo qayb gashay ayaa sheegay in wax walba diyaar ula yihiin si dhawna ula shaqeyn doonaan maamulka cusub ee Safaaradda uu horkacyo Mudane Ali Cagabaruur , iyagoona ganacsatadu ay waydiiyeen Siihayaha su’aalo horey in badan madaxooda ka guuxayay oo dhanka safaaradda ah, dhankiisana Siihayuhu ka turxaan bixiyay dhamaan waxii ay waydiiyeen.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa si wadajir ah loo amaanay kulanka safaaradda kasoo shaqeysay ee dhex maray ganacsatada iyo madaxda Safaaradda, iyadoo lagu tilmaamay in uu yahay kulan wax la taaban karo kasoo baxeen.