Madaxdii hore ee dalka oo u Hambalyeeyay Xulka Galmduug.

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo saaray qoraal cusub oo ay ugu hambalyeynayaan xulka Galmudug guushii uu shalay kasoo hooyay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada.

Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku yiri “Waxaan hambalyo leeyahay Kooxda Galmudug oo ku guuleysatay koobka ciyaaraha Dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, waxaan sidoo kale hambalyo leeyahay kooxda Hirshablle oo soo gaartay final-ka.”

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay dhammaan kooxihii ka qayb galay tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ciyaar wanaag soo bandhigay.

Xulka Galmudug ayaa shalay galab guul ka gaaray dhiggiisa HirShabelle ciyaar la’isla gaaray gool kullaad, taasi oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50 kun oo taageerayaal kala sitay calamada labada xul ee wada ciyaarayey finalka tartanka, halka kumanaan kale ay kala socdeen tabinta tooska ah.