Madaxii Hore Xukuumada Galmudug Ayaa ka tacsiyeeyay geeridii kutimid sheikh cismaan xidig

Madaxweynihii hore Maamulkii Gobolada Dhexe iyo Madaxii Xukuumada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Ka Tacsiyeeyay Geerida AUN Sheikh Cismaan Xidig.
Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan Ayaa Dhamaan Ummada Islaamka Ah Qasatan Ummada Soomaaliyeed uga Tacsiyeeyay Geeridii Kutimid Sheikh Cismaan Xidig.
“Waxaan u Tacsiyeenayaa dhammaan Ummadda muslimiita oo dhan gaar ahaan Soomaaliya Ahlu Cilmiga ay u horeeyaan Culimada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca iyo Ehelka qaraabada ,Axbaabta uu ka baxay Caalimkii weynaa Sheekh Cusmaan sh. Cumar Sh. Daa’uud ( Sheekh Cusmaan Xidig) oo ku geeriyooday Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Sheekhu Waxuu Ahaa Mid ka mid ah Culimadda sida wayn u faafiyey Diinta Islaamka una gar,gaaray oo nooleeyay Ehelkeeda , waxuuna ahaa tiir ka mid ah tiirarka Ahlu Cilmiga Dunida islaamka gaar ahaan wadanka Soomaaliye , Waxuuna Diinta ka qaatay dowr lama ilaawaan ah gaar ahaan culimada uu wax baray iyo kutubta uu ka qoray funuunta islaamka ee ku faaftay dunida islaamka,
Allah ha u naxariisto sabarna ilaahey hanaga siiyo
Raxmadiisa iyo Raali Ahaanshahiisa ilaahey haku dhareeyo anagana bacdigiis nama fidneeyo.”