Madaxwayne Al-Khelaifi oo ku dalbaday lacag badan Ciyaaryahan Xiddig Ka tirsan Real Madrid

Madaxwaynaha PSG Nasser Al Khelaifi ayaa usoo jeediyay dhigiisa kooxda Real Madrid Florentino Perez dalab waali ah oo uu ku doonayo xiddiga Casemiro.

Maamulka PSG ayaa u arka Casemiro bedelka Thiago Motta oo dhaawac waqti dheer ah garoomada kaga maqan.

Diario Gol ayaa sheegtay in ka hor kulankii xalay Champions League labada koox ku kulmeen Spain, Al Khelaifi uu soo bandhigay dalab lacageed oo gaaraya € 100m oo lagu daray xiddiga khadka dhaxe ee Julian Draxler si uu u helo Casemiro.

Dalabkaan ayaa Casemiro u furaya albaabka Real Madrid, iyadoo Al Khelaifi ay ka go’antahay inuu xoojiyo kooxdiisa ka hor xili ciyaareedka soo aadan.

Laakiin Madaxweyne Perez iyo tababare Zinedine Zidane ayaa diiday inay iibiyaan Casemiro, kaasoo haatan u muuqda mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee daafaca ugu fiican adduunka.