Madaxweyhii hore ee Soomaaliya Mudane Max,ed C/laahi Farmaajo ayaa ka hadlay Dagaalka lagula jiro Kooxda Alshabaab, Waxa uu Bogaadin iyo Guul u rajeeyey Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo Dadka Deegaanka.
Madaxweyne Farmaajo oo kusoo qoray Bartiisa Facebook ga uu ku leeyahay ayaa kugu baaqay Sahcabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab waxa uuna u qornaay sidaan.
Dagaalka Ciidamadda Qalabka Sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxda argagixisada dhiig-miiratada ah ee Alshabaab, waa waajib qaran oo ay tahay in aynu ka wada qeyb-qaadanno dhamaanteen maadama uu taabanayo qarannimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed.
Howl-galadda dalkeenna looga xoreynayo argagixisada inoo diiddan nolasha, amniga iyo horumarka waa qorshe qaran oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay, waxaana waajib ah in la garab istaago ciidanka xoogga, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada.
Waxaan ugu baaqayaa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu garab istaago halganka xoreynta dalka kana qeybqaato dhiiri-galinta iyo kor u qaadista moraalka geesiyaasha qaranka, maadaama isku duubnida ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u tahay guulaha dagaalka lagula jiro argagixisada.
Alle ha u naxariisto halyeeyada naftooda u horey in dalkeenna ay ka xoreeyaan argagixisada, halyeeyada kale ee dhaawacyadu ka soo gaareenna waxaan Allaah uga baryayaa caafimaad iyo kabasho degdeg ah.