Madaxweynah Koofur galbeed Oo Casho Sharaf U Sameeyay Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Mohamed Lafta-gareen ayaa xalay  Casho Sharaf u sameeyay Gollaha wasiirada Cusub Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxana Casha Sharafta ka  qeyb galey Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur galbeed Soomaaliya iyo Labadiisa Ku-xigeen iyo Xidhibaano k awada tirsan Baarlamanka Soomaaliya Iyo Baarlamanka Koonfur galbeed ,Wasiiro Odayaasha dhaqanka Koonfur galbeed Iyo Marti sharaf kale.

Munaasaabda aya waxaa hadalo ka soo jeediyay Mas,’uliyiin kala duwan, iyagoona Hambaliyo Iyo Bogaadin ay udireen Gollaha wasiirada Cusub Ee Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa uu balan qaadey in Baahiyaha kajira Koonfur galbeed ay ka mid yihiin waxbarshada,Cafimaadka Amniga ,Cadaaladda, Xukumadda Cusub Ee Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya ay wax ka qaban Doonto.