Madaxweynah Somaliland oo amray Ciidamo la geeyo deegaanadii lagu dagaaalmay ee G/Sanaag

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu kulan deg deg ah la qaatay Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Soomaaliland, isaga oo kala hadlayay dagaalkii kazoo cusboonaday tuulooyin hoostaga degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Saraakiisha u sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalada kazoo cusboonaaday deegaanka Ceel-Afweyn,kaas oo ah mid soo lab laabtay,waxaana dagaalkaas inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 9 ruux 12 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka kulankaas oo Saxaafada ay dibad-joog ka aheyd laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliland uu saraakiisha Ciidamada Millateriga ku amray in si deg deg ah Ciidamo look ala dhex-dhigo Maleeshiyadka ku dagaalamay deegaanka Duud-carraale oo ku yaalla Galbeedka Gobolka Sanaag.

Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland ayaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay u dhaqaaqeen dhinaca deegaanadii lagu dagaalamay, iyaga oo doonaya inay maleeshiyaadkii dagaalamay kala dhex galaan kadib amarkii Madaxweynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi.