Madaxweynaha Cusub Ee Koofur galbeed Oo lakulmay UNSOM

Madaxeeynaha Cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen) ayaa Maanta Magalada Baydhabo kulan sagootin ah ugu sameeyey  Vikram Parekh madaxii hore UNSOM ee Magaalada Baydhabo.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka KGS Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa iyo sidoo kale Aroud Laloum madaxa cusub xafiiska UNSOM,Wasiiro iyo Xilfhibaano ka tirsan Maamulkaas.

Madaxweyne  laftagareen ayaa Vikram ugu mahadcelinayay qaabkii wanaagsaneed uu ugu shaqeeyey Xafiiska mudaddii uu joogay.

Sidoo kale waxaan Madaxweyne laftagareen gacmo furan kusoo dhoweeyay madaxa cusub ee xafiiska UNSOM ee magaalada Baydhabo Aroud Laloum, waxaana uu sheegay in uu la Shaqeyn doono.