Madaxweynaha dalka Zimbabwe Oo warqadaha aqonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Dambudzo Mnangagwa ayaa warqadaha aqonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo wadamada Afrika qaarkood Ambassador Jamaal Maxamed Barrow, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Harare ee xarunta Dalkaasi.

Danjire Jamaal Barrow ayaa Emmerson Dambudzo Mnangagwa Madaxweynaha Zimbabawe u gudbiyay salaam uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, wuxuuna muujiyay sida Soomaaliya ay diyaarka ugu tahay xoojinta xiriirka labada dal ka dhexeeya iyo wax wada qabsi oo dhexmara shacabka labada dal.

Sidoo kale Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Dambudzo Mnangagwa ayaa Danjire Jamaal Barrow ugu soo dhiibay salaam diiran u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha ay ka gaartay amnig iyo horumarada kale.

 Intii lagu guda jiray munaasabadda guddoonka warqadahaasi aqoosniga safiirnimo, labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen kor u qaadista iskaashi dhexmara labada dal, iyadoo sidoo kale Danjire Jamaal Barrow uu la kulmay saraakiil sar sare oo ka tirsan Zimbabwe.