Madaxweynaha DFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Qaahira, caasimadda dalka Masar

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Qaahira, caasimadda dalka Masar, kaddib markii uu casuumaad ka helay dhiggiisa dalkaasi, Madaxweyne Abdifatah Alsisi. Booqashadan ayaa muhiim u ah xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga labada dal, Soomaaliya iyo Masar.

Inta uu joogo Qaahira, labada Madaxweyne ayaa wada hadallo yeelan doona oo ku saabsan arrimo dhowr ah oo muhiim u ah labada dal iyo guud ahaan gobolka, Waxaa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka, iyadoo labada hoggaamiye ay falanqeyn doonaan arrimo ay ka mid yihiin Xaaladda Gobolka, Xoojinta Xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Masar iyo Xiisadda ka dhex taagan Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia oo ah damaca guracan ay Xukuumadda Addis Ababa ku dooneyso badda Seylac.