Madaxweynaha DFS Mudane Xasan Sheekh oo gaaray Dalka Belgium si uu uga qeyb galo Shirka Midowga Yurub iyo Dalalka soo korayo.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Brussels ee Dalka Belgium halkaasi oo uu Madaxweynuhu kaga qaybgali doono shir weynaha Midowga Yurub iyo Dalalka soo koraya.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa Shirka khudbad dhinacyo badan ka taabanaysa Xaalada Amni ee Somalia, Dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al Shabaab, iyo Guulaha laga gaaray ka jeedin doona madasha, Shirweynahaan ayaa loo qorsheeyey in uu socon doonta  25-26 Oktoobar 2023.