Madaxweynaha DFS oo Maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed.

Waxaa maanta si toos ah Magaalada Muqdisho ka furmay, shirweynaha Culimada Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin sharciyad ka qaadista ururka Al-Shabaab, sida sixida fahamka saxda ah ee diinta islaamka.

Sharciyad siinta dawladda, sida xukunka islaamka iyo dawladnimada casriga ah Iyo dhisida Golaha Sare ee Culimada.

Shirkan oo socon doona afarta Maalin ee soo socota, waxaa ka qaybgalaya culima-owdiin Sommaliyeed ka kala timid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, kuwaasoo soo bandhigi doono aragtiyadooda saxda ee shirka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, argagixisaduna ay uga been abuurteen.

Madaxweynaha ayaa dib u xusay culimadii Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Muqdisho, maanta oo kale sanadkii 1975-tii, kuwaas oo u shahiiday in ay dadka Soomaaliyeed ka difaacaan afkaartii khaldanayd ee hanti-wadaagga iyo marin habaabinta diinta Islaamka, waxa uuna sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ee maanta ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Khawaarijta Al-shabaab ay xasuuqeen culimadii iyo wax-garadkii dalka, ayna hor istaageen nolasha iyo horumarka deegaannada ay xoogga ku haysteen, taas oo sababtay in uu xoogeysto kacdoonka ay shacabka Soomaaliyeed ku diideen argagixisada, kagana soo horjeesteen fikirka xagjirnimada ah.

“Qofkii rajo ka qaba Al-shabaab in ay u naxariisanayaan haku tusaale qaato wadaadkii Indhoolaha ahaa ee isaga oo meel uu u baxsado la’ ay ku dileen Xarunta Gobolka Benaadir. Dagaalka Khawaarijta, muddo dheer ayuu soo socday, waxa uuna soo gaaray maanta oo dhibaatadoodu ina wada gaartay. Waxaan rabnaa in xal loo helo dabar-goynta fikirkaas, xalkiina shirkaan ayaa laga sugayaa”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xaqiijiyey in dowladdu ay mudnaan siineyso diyaarinta sharcigii lagu dhisi lahaa Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, taas oo ka mid noqoneysa hay’adaha ugu muhiimsan Dawladda, una xilsaaran ilaalinta diinta Islaamka iyaga oo wakiil uga ah Dawladda.

DHAMMAAD.