Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle oo shir Gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada ee Dowladda Hirshebeeelle.

Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir Gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada ee Dowladda Hirshebeeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa caawa looga hadlay Arrimaha amniga, xaqiijinta nabadgelyada deegaanada xorta ah, iyo Dardargalinta iyo tayeeynta hanaanka Garsoorka, si bulshadu u hesho garsoor cadaalad ah.

Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga waramay xaaladaha amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo deegaanadii dhowaan laga xoreeyay cadowga Khawaarijta ah ee alshabaab, Isagoo tilmaamay in Ciidamada ATMIS ee gacanta ku haya Garoomada Diyaaradaha uu faray inay xaqiijiyaan amniga garoomada Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka ayaa Madaxweynaha iyo Golaha uga warbixyay Qorshaha Wasaaradda iyo sida ay uga go’antahay dardargalinta hanaanka garsoorka si bulshadu u hesho adeeg garsoor oo cadaalad ah, isagoo sheegay si loo helo Garsoor aqoon leh in ay qaadeen Imtixaan daahfuran oo lagu xulayay Garoorka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo hada meel-gabo gabo ah maraya.

Golaha Wasiiradda ayaa cod gacan taag ah ku meelmariyay Hindise sharciyeedka wadda-Marista oo hore Golaha ay ugu soo gudbisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo ArrimahaBulshada ayaa Golaha Wasiiradda hor keentay Sharciga shaqo qorista shaqaalaha shisheeye.