Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland.
Madaxweynaha Iyo waftigiisa ayaa Intaasi kadib Loo Galbiyay Xarunta Madaxtooyada Ee Magaalada Kismaayo
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Soodhaweeyey Madaxweynaha Galmudug isagoona sheegay In Ay Iska kaashan Doonan kana wada hadli Doonan Arimo Dhowr ah
Sidokale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor qoor oo Kahadlay Safarkiisa Kismaayo waxa uu sheegay In Aad Ugu Faraxsanyahay Soodhawaynta loo sameeyay waxaa uu Sido kale Shaaciyay in Galmudug iyo Jubbaland ka dhexeeyaan Arimo Badan
Madaxweynaha Galmudug ayaa Kismaayo U tagay Kadib casuumaad Uu ka helay dhigiisa Jubbaland Axmed Madoobe oo casuumaad U Fidiyay Madaxweynaha Galmudug Axmed cabdi kaariye Qoor qoor
#HALKAAN KA DAAWO..