Dhuusamarreeb 27-Sep 2023; Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada reer Galmudug ugu hambalyeeyay farxadda dhalashada xabiibkeenna Muxammed ﷺ.
Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn, qiimo gaar ahna u leh bulshada Islaamka oo dhan, maadddaama ay tahay maalintii Rasuulkeenna Muxammed NNKH uu ifka kusoo biiray “ Dhalashada Nabiga ﷺ waxey u aheyd adduunka oo dhan isbeddel dhanka wanaagga ah, wuxuu ahaa noole kan ugu fadliga badan, wuxuu ahaa tusiyaha waddada xaqa iyo hanuunka, waxaanan bulshada Soomaaliyeed ku boorrinayaa iney weyneeyaan maalintaan oo kale” ayuu yiri madaxweynuhu.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa sidoo kale sheegay inuu farxadda dhalashada Nabigeenna Muxammed NNKH la wadaagayo ciidamada xoogga dalka, kuwa daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ee furinta u jooga iney difaacaan dhaxalkii Nabigeenna