Madaxweynaha Dowladda Galmudug oo magacaabay Wasiirka Cadaalada iyo Wasiir dowlaha Waxbarashada Maamulkaasi.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magacaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka iyo Wasiiro Dowlaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Galmudug.

Digreetada kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa lagu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka Mudane Cabdullahi Axmed Maxamed Wakiil, halka Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare loo magacaabay Cabdiwali Cali Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii faray dhamaan hay’adaha kala duwan, inay la shaqeeyaan wasiirada la magacaabay, si ay waajibkooda u gutaan.

Dhamaad.