Madaxweynaha Falastiin, Oo Uyeeray Ergaygii Falastiin U Joogay Maraykanka

Madaxweynaha Maamulka Reer Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim ayaa la sheegay inuu ku amray  Ergayga Falastiin u joogay dalka Maraykanka, Xusaam Zomloot inuu dib ugu soo laabto magaalladda Ramala ee Daanta Galbeed.

U yeerista Ergaygaasi ayaa lagu micneeyey go’aan lagu muujinayo sida uu Maamulka Falastiin kaga soo horjeedo Go’aankii Safaaradda Maraykanka ku lahaa Yuhuudda loogu soo wareejiyey magaalladda Barakaysan ee Quddus-ta La-haysto.

Mana kala cadda muddada uu Ergaygu joogi doono magaalladda Ramala oo Xarun Dhexe u ah Maamulka Falastiin.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Falastiin, Riyaad Maaliki ayaa sheegay in  Maraykanka looga baahnaa inay Maamulka Falastiin kala tashadaan Furitaankii Safaaradooda  Quddus

Waxa uu intaasi ku daray in loo baahnaa Go’aanka Maamulka Falastiin, ka hor intaan Safaaradda Maraykanka loo soo wareejinin magaalladda Quddus.