Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooq qoor oo kaqeyb galay Caleema saarka Gudoomiyaha D/Caabudwaaq oo dhawaan Golaha Deegaanka ay doorteen.

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan degmada Cabudwaaq ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu caleema saarayo Gudoonka cusub ee dhawaan loo doortay Cabudwaaq.

Munaasabadda caleema saarka gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka Degmada Cabudwaaq oo dhawaan ay doorteen Golaha deegaanka ayaa sidoo kale marti galisay Wasiiro, xildhibaan iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay guddoonka cusub ee Degmada Cabudwaaq, isagoona ugu duceeyay in Eebbe la garab galo masuuliyadda culus ee loo doortay. Madaxweynuhu, wuxuu sidoo kale bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, oo dardar gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug.