Madaxweynaha Galmudug iyo qaar ka mid ah Goloyaasha Dowlada oo ka qeyb galay Caleema saarka Maamulka Cusub ee D/Balanbale.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane , Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan degmada Balanbal ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu caleema saarayo Guddoonka cusub ee dhawaan loo doortay degmada Balanbal.

Munaasabadda caleema saarka guddoonka Degmada Balanbal oo dhawaan ay doorteen Golaha deegaanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Golayaasha Dowladda, Maamulka Gobalka, Maamullada Degmooyinka Galmudug iyo qaar ka mid ah bulshada halkaasi ku dhaqan.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay guddoonka cusub ee Degmada Balanbal, asagoo ugu duceeyay in Eebbe la garab galo mas’uuliyadda culus ee loo doortay.

Madaxweynuhu, wuxuu sidoo kale bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug oo dardar gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug.
Dhanka kale Madaxweyne Qoor-qoor ayaa sheegay in Maamulkiisa uu xooga saari doono Dib u heshiisiinta dhab ah oo dadka walaalaha ah oo 40 sano Colaad Aduun iyo Aakhiro la,aan ah u dhaxeeyso taasi oo keentay in ay meesha ka baxaan wada noolaanshiyaha iyo hormarkii deegaanka iyo dadku ay ku tilaabsan lahaayeen, waxa uuna madaxweynuhu carabaabay in ay socdaan howlahaasi oo dhawaan bilaaban doona.