Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa Aqalka Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo magaalada Dhuusamareeb u yimid ka qeyb-galka Shirka Sanadlaha ah ee Heritage, kaas oo sanadkan ay Dowladda Galmudug martigelinayso.
Kulanka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa ku dhacay jawi is-xushmad iyo is-afgarad leh, waxaana looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira xaaladda guud ee dalka, horumarinta dowlad-dhiska, iyo doorka ay shirka Heritage ku leedahay dhiirrigelinta wada-hadalka siyaasadeed, aqoonta iyo fikir-wadaagga hoggaamiyeyaasha iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo dhaweeyay martida ka qeyb-galeysa shirka, isagoo muujiyay sida ay Galmudug ugu faraxsan tahay martigelinta munaasabaddan muhiimka ah, taas oo fursad u ah in la xoojiyo wada-hadalka ku saabsan nabadda, dowlad-wanaagga iyo horumarka waara ee Soomaaliya.
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Galmudug soo dhaweynta diirran, isagoo bogaadiyay dadaallada ay Galmudug ku doonayso inay ku xoojiso wada-hadallada qaran iyo kulammada aqooneed ee muhiimka u ah mustaqbalka dalka.
Shirka Sanadlaha ah ee Heritage ayaa la filayaa in ay ka qeyb-galaan hoggaamiyeyaal hore iyo kuwa hadda jira, aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo khubaro kala duwan, kuwaas oo ka doodi doona arrimo la xiriira xaaladda dalka, dowlad-dhiska, amniga, iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda.