Madaxweynaha Galmudug oo Farriin Nabadeed iyo Midnimo U Diray Shacabka Kaddib Salaadda Ciidda Carafo

Madaxweynaha Galmudug, Mudane Ahmed Abdi Kariye ayaa shacabka iyo mas’uuliyiinta Galmudug kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo barxadda Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee magaalada Dhusamareb, halkaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal ka mid ah bulshada, madaxda maamulka, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si ay u gutaan waajibaadka cibaado ee maalinta barakaysan ee Ciidda Carafo. Munaasabadda salaadda ayaa ku dhacday jawi deggan oo ay ka muuqatay farxad, wadajir iyo is-xogwaraysi bulshada dhexdeeda ah.

Madaxweynaha ayaa salaadda kaddib khudbad dheer oo uu u jeediyay shacabka kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, muhiimadda ilaalinta nabadgalyada, xoojinta wadajirka bulshada iyo adkaynta midnimada ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay in maalmaha Ciiddu ay yihiin waqti lagu xoojiyo walaaltinimada, iscafinta iyo garab istaagga bulshada, isaga oo shacabka ku boorriyey inay sii xoojiyaan isku xirnaanta iyo wada shaqeynta si loo gaaro bulsho horumarsan oo nabad ku wada nool.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa carrabka ku adkeeyay in nabadgalyadu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar, dowladnimo xooggan iyo adeegyo bulsho oo tayo leh. Waxa uu sheegay in haddii amniga la adkeeyo ay fududaaneyso horumarinta waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee bulshada muhiimka u ah, isaga oo shacabka Galmudug ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka iyo hay’adaha dowliga ah si looga hortago falalka amni darrada iyo wax kasta oo khalkhal gelin kara xasilloonida deegaanka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay ciidamada ammaanka ee habeen iyo maalin u taagan sugidda amniga, isaga oo tilmaamay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin xaqiijinta xasilloonida iyo difaaca shacabka. Waxa uu ku dhiirrigeliyay bulshada inay garab istaagaan ciidamada si loo sii xoojiyo dadaallada nabadgalyada iyo la dagaallanka kooxaha khatarta ku ah amniga iyo jiritaanka bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo Alle uga baryay in uu dalka ku manneysto nabad, barwaaqo iyo xasillooni waarta. Waxa uu sidoo kale Eebbe uga baryay in shacabka Soomaaliyeed uu ka dulqaado duruufaha adag, islamarkaana mideeyo quluubtooda si ay uga wada shaqeeyaan dib-u-dhiska dalka iyo horumarintiisa.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku boorriyey bulshada Galmudug inay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadda, xoojinta wadajirka iyo taageeridda qorshayaasha horumarineed ee maamulka, si loo helo mustaqbal wanaagsan oo ay bulshada Soomaaliyeed ku wada noolaato nabad, horumar iyo barwaaqo joogto ah.