Madaxweynaha Galmudug oo garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee caasimadda Galmudug, kusoo dhoweeyay, Ra’iisulwasaaraha XFS.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee caasimadda Galmudug, kusoo dhoweeyay, Ra’iisulwasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre oo safar shaqo kusoo gaaray Galmudug.
Ra’iisulwasaaraha oo uu hareer taaganyahay Madaxweynaha Dowladda Galmudug ayaa salaan sharaf ka qaatay, Cutub ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Galmudug, iyada oo loo galbiyay qasriga madaxooyada.
Munaasabadda soo dhoweynta Ra’iisulwasaaraha dalka, waxaa ka qayb galay, Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Xildhinaano ka tirsan BFS, Mas’uuliyiin ka tirsan Labada gole ee Dowladda Galmudug, Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Galguduud iyo kan Caasimadda Galmudug iyo Boqolaal shacab ah.