Madaxweynaha Galmudug oo gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada Galmudug.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada.
Shirka ayaa lagu ansixiyay sharciga maalgashiga shisheeye, kaas oo lagu dhiirrigelinayo maal-gashadayaasha danaynaya inay ka qaybqaataan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug. Sharcigan, oo ay horay u soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta,
Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka ee lagu abuurayo jawi ku habboon maalgashiga, korna loogu qaadayo koboca dhaqaale ee gobolka.
Intaa waxaa dheer, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin muhiim ah oo la xiriirta qiimeynta khataraha iyo bed-qabka amniga Galmudug ka dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha.
Warbixintan ayaa saldhig u noqon doonta diyaarinta qorshaha amniga ee Galmudug ee shanta sano ee soo socota, iyadoo diiradda la saarayo xasilinta iyo horumarinta adeegyada amni ee bulshada.