Madaxweynaha Galmudug oo Ka Qayb Galay Saxiixa Qorshaha Iskaashiga UNICEF 2026–2027

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta ka qayb galay munaasabad si rasmi ah loogu saxiixayay Qorshaha Shaqo ee Iskaashiga (Joint Work Plan) ee u dhexeeya Dowladda Galmudug iyo Hay’adda UNICEF, kaas oo socon doona sannadaha 2026–2027.

Qorshahan cusub ee iskaashi ayaa lagu xoojinayaa wada-shaqeynta Dowladda Galmudug iyo UNICEF, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada, nafaqada carruurta, iyo kor u qaadista adeegyada aasaasiga ah ee bulshada reer Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa munaasabadda ka sheegay in iskaashigan uu muhiim u yahay dardargelinta adeegyada bulshada, gaar ahaan meelaha ay saameeyeen baahiyaha adeeg la’aanta, isagoo xusay in dowladda Galmudug ay ka go’an tahay in la gaarsiiyo adeegyo tayo leh dhammaan degmooyinka iyo deegaannada maamulka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay in taageerada joogtada ah ee ay siiso Galmudug ay kaalin weyn ka qaadato horumarinta nolosha carruurta iyo hooyooyinka, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, nafaqada iyo waxbarashada.

Munaasabadda saxiixa waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax Fiidow, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Cabdiwali Maxamed Axmed, kuwaas oo dhammaantood hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay hirgelinta qorshahan cusub.

Ugu dambeyn, qorshaha iskaashiga Galmudug iyo UNICEF ee 2026–2027 ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumar waara oo lagu gaari karo adeegyo bulsho oo tayo leh, isla markaana kor loogu qaadayo nolosha bulshada Galmudug, gaar ahaan kooxaha nugul sida carruurta iyo haweenka.