Madaxweynaha Galmudug oo ka qayb galay xuska 1-da Luulyo

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay xuska maalinta taariikhiga ah ee 1-da Luulyo, oo ku asteysan xorriyaddii Gobollada Koonfureed iyo midowgii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur, kuwaas oo horseeday dhismaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka qayb galay masuuliyiin, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale. Intii ay socotay munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay suugaan, heeso waddani ah iyo barnaamijyo lagu xusay halgankii dheeraa ee ay halyeeyadii Soomaaliyeed u soo galeen xorriyadda, midnimada iyo ilaalinta qarannimada.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo, isaga oo tilmaamay in maalintan ay tahay astaan mideysa ummadda Soomaaliyeed, isla markaana xasuusinaysa qiimaha ay leedahay xorriyadda, wadajirka iyo isku duubnida shacabka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in jiilasha maanta iyo kuwa soo koraya ay muhiim tahay inay bartaan taariikhda dalkooda, kana dhaxlaan halgankii iyo dadaalkii ay hormuudka u ahaayeen halyeeyadii Soomaaliyeed ee u soo halgamay gobannimada iyo midnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in la sii adkeeyo wadajirka bulshada, iskaashiga iyo is-garab istaagga, si loo ilaaliyo midnimada dalka, loona xaqiijiyo Soomaaliya nabdoon, horumarsan oo ku dhisan isku duubni, nabad waarta iyo mustaqbal ifaya.