Madaxweynaha Galmudug Oo loo doortayAxmed Cabdi Kaariye

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Goordhow waxa ka dhacday doorashada Madaweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug,taas oo ay ku tartameen ilaa Afar Musharax.

Kulanka doorashada ayaa waxaa ku sugnaa 77 Xildhibaan oo ay kamid yihiin qaar kamid ah Xildhibaanadii Baarlamaanka Galmudug ku metelayey hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca,waxaana Wareega 1aad ee doorashada Madaxweynaha Galmudug loo doortey Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Musharixiinta Afarta ahaa ee ku tartamay doorashada ayaa waxaa ay codadka u kala heleen

1: Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) 66 Cod

2 : Axmed Cabdullaahi Samater. 9 Cod

3: Cabdiraxman Aadan Sabriye 1 Cod

4: Axmed Shire Maxamed (falagle) 1 Cod

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo natiijada ku dhawaaqay ayaa shaaciyey in xilka Madaxweynaha Galmudug uu ku guuleystay Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Dhinaca kale waxaa usid mudan in doorashada Maanta ka dhacey Magaalada dhuusamareeb ay diideen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf,Afar Musharax oo aan is diiwaangelin iyo hoggaanka Ahlusunna.

Sidoo kale waxaa goordhow la guda galayaa doorashada Madaxweyne kuxigeennada Dowlad Goboleedka galmudug oo ay ku tartami doonaan Shan Musharax oo kala ah.

1: Cali Daahir Ciid

2: Axmed Yuusuf Warsame (Taajir)

3: Saadaq Cabdullaahi Xaashi

4: Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey)

5:Cabdi Qani Sheekh Cali Diini.