Madaxweynaha Galmudug oo maanta guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Galmudug.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Galmudug.
Ugu horreyn shirka ayaa looga dhageystay Wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha warbixino ku saabsan xaaladda guud ee amniga deegaannada Galmudug.
Sidoo kale wasaaradda Qorsheynta Dowladda Galmudug ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan qorshaha isbaddelka Galmudug ee 2026-2030-ka.
Ugu dambeyn Golaha Wasiirrada Dowladda Galmudug ayaa insixiyay xeerka ilaalinta naafada Galmudug kaasoo soo maray habraacyadii ka horreeyay insixinta ayna soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquul Insaanka.