Madaxweynaha Galmudug oo maanta la kulmay danjiraha dalka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta la kulmay danjiraha dalka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya danjire Larry E. André.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay amniga guud ee Galmudug, howlgalada lagu baacsanayo kooxaha argagaxisada ah iyo taageerada dowladda mareykanka ee ku aaddan arrimahaas

Madaxweynaha Galmudug ayaana warbixin ka siiyay Danjiraha Mareykanka u jooga Soomaaliya xaalada ka taagan deegaannada Galmudug iyo howlgalo uu sheegay in lagu doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaannada Galmudug.

Madaxda dowlad goboleedyada dalka oo jooga magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah wakiiladda beesha caalamka u jooga Soomaaliya, kuwaa ay kala hadleen xaalada ka jirta deegaannada ay maamulaan.