Madaxweyne maamulka puntland oo Xariga ka Jaray Dugsiga Sare ee Al-Xikmah+SAWIRRO:

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xariga ka jaray Schoolka sare ee Alxigma oo laga dhisay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Lacagta ku baxday Dhismaha Schoolkaan oo ah mashruucii School ugu weynaa ee laga Fuliyo Puntland ayaa waxaa bixisay dowladda Joordan waxaana fulisay Hay,adda Relief Intertional.

Madaxweynaha Puntland oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadii xarigjarka ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in kor looqaado aqoonta jiilka soo koraya.

waxaa maanta farxad weyn ii ah inaan idin kala soo qayb galo xafladan sida wanaagsan loo soo agaasimay ee aynu ku furayno iskuulka Al-xikma oo sanad ka hor aan dhagax dhignay, waxaan u mahadcelinayaa maamulka iskuulka iyo dawladda Jordan oo qayb wanaagsan ka qaatay dhamaystirka mashruucan, waxay ka mid tahay guulaha isku tashiga iyo wadashaqaynta dhow ee ay lee yihiin dawladda iyo shacabka Puntland, hadaba maanta waxaan idinkula dardaarmayaa in aad sii xoojisaan horumarinta waxbarashada iyo wanaajinta iyo kobcinta ardayda iyo jiilasha soo koraya,kuwaas oo noqon doona hogaamiyeyaasha berrito” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas”