Madaxweynaha Galmudug Oo soo gaaaray Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta Safar aan Horey loo sii shaacin ku tagay magaalada Gaalkacyo waxaana garoonka ku soo dhaweyay masuuliyiin ka tirsan Galmudug.

Xaaf oo aan la ogeyn ujeedka safarkiisa ayaa waxaa uu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha laamaha Amaanka iyo madaxda Gobolka iyo Kan Dagmada.

inkastoo kulanku uu ahaa mid is xogweyrsi ah ayaa haddane Markii uu kulan uu dhamaaday dhinacyadii ka qeyb Galay waxaa ay sheegeen in uu guul ku dhamaaday.

Madaxweyne Xaaf ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho.