Madaxweynaha Galmudug oo Soo indho indheeyay Halka loo Asteeyay in laga dhiso Dekada Hobyo

Madaxweynaha Galmudug Axmed cabdi kaariye Qoor qoor ayaa Maanta Soo indho indheeyay Halka loo asteeyay in laga dhiso Dekada Hobyo.

Masuuliyiin kaladuwan oo Katirsan Galmudug iyo dowlada dhexe oo iskugu Jira Labada Gole ee Galmudug iyo Xildhibaano Katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Booqashada Qeyb ka ahaa.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Wafdi uu hoggaaminayo kana kooban xildhiaanno ka tirsan BFS, masuuluyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa booqday halka ay khubarada dhiseysa Dekadda Hobyo u asteeyeen in laga dhiso Dekadda.
Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay in dhulka ay Dekaddu u baahantahay aan la deegaameyn karin, wuxuuna faray ha’adaha amniga iney la shaqeeyaan guddiga loo xilsaaray dhismaha Dekadda Hobyo.